|
Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose oo Kahadley Amaandarada Gobolkisa |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Saturday, 26 April 2008 |
|
Marko,(insidesomalia.org)-Cabdiqaadir Sheik maxamed nuur oo ah Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa markii uguhoreysay ka hadlay xaaladaha amaan daro ee ka jira Gobalkiisa.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay jirto xaalad ammaan daro oo aad u baahsan, taasoo sababteeda uu ku sheegay, howlo ay ciidamada amaanka Gobalka uga maqan yihiin xuduudaha uu Gobalka la wadaago Gobolada Dalka.
Mr Cabdiqaadir ayaa tilmaamay in Ciidamada qaarkood ay yihiin kuwo tababar Gobalka uga maqan, waxaana uu ka codsaday Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya in ay Ciidamo Gobalka usoo diraan si ay gacan uga geysan lahaayeen sugida amaanka tan iyo inta ay dib uga soo laabanayaan Ciidamada amaanka Gobalka.
Dadka socotada ah ayaa walaac weyn ka muujiyay dhibaatooyinka kooxaha Burcada ee gala wadooyinka Y dadka kusafraan, waxaana dadkaas oo gaadiidka saaran ay kala kulmaan dhac xoogan kooxaha Burcada ah.
Deegaanada Gobalka Shabeelaha Hoose waxaa ka dilaacay kooxo Burcad ah oo isbaarooyin dhiganeya wadooyinka, waxaana ilaa iyo hada aanu jirin isku day uu Maamulka uga hortagay kooxahaas, marka laga reebo cudur daarada uu bixinayo Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose ee ku aadan wax ka qabashada arrinkaas.
Gobolka shabeelaha Hoose waa Gobol istiraatiiji ah, kaasoo deris la ah Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana Gobalka uu ku caan yahay wax soo saarka Beeraha iyo kaluunka.
|